Dadweynaha Gaarisa oo ka cabanaya sicir barar Ramadaanka kusoo aaday
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadweynaha Gaarisa oo ka cabanaya sicir barar Ramadaanka kusoo aaday

Ayadoo ay maanta billaabatay bisha barakaysan ee Ramadhaan, ayaa shacabka ku nool magaalada Gaarisa ee dalka Kenya waxa ay ka cabanayaan qiimaha raashinka, ayadoo weli ay abaar ka taagan tahay deegaanno ka tirsan gobolka waqooyi bari Kenya.

Dadweynaha ayaa sheegaya in cunnooyinka inta badan la isticmaalo Ramadhaanka uu qiimahooda sare u kacay, taasoo saameyn weyn ku yeelatay qoysaska saboolka ah.

Weriyaha BBC Bashkas Jugsoo dhacay ayaa booqday suuq ku yaal Gaarisa, warbixintan ayuuna kasoo diray.