Qarax Afghanistan ka dhacay oo 13 qof ku dhinteen

Sawir muujinaya khariidada Afghanistan iyo halka Khost kaga taal dalka Lahaanshaha sawirka .
Image caption Sawir muujinaya khariidada Afghanistan iyo halka Khost kaga taal dalka

Saraakiil ayaa sheegay in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen qarax baabuur miidame ah oo ka dhacay magaalada Khost ee ku taal bariga Afghanistan.

Wasaaradda warfaafintuna waxay sheegtay in ugu yaraan laba caruur ahina ka mid yihiin dadka ku dhaawacmay qaraxaa.

Qofka miidaamaha ah ee waday gaadhigu wuxu la beegsaday gawaadhi boolisku leeyihiin oo marayey badhtamaha Khost. Ilaa haatan cidina may sheegan masuuliyadda weerarkan in kasta oo Taliban iyo ururka kale ee la baxay Dawladda Islaamku yihiin kuwa ugu horeeya ee lagu tuhmi karo.

Waxa dhawaanahan isa soo taranayey qalalaasaha ka taagan qaybo badan oo ka mid ah dalka Afghanistan, weerrarada dhaca badankoodana wax qaadayey Taliban.

Jimcihii, ayaa ugu yaraan 15 askari waxa lagu dilay weerar ay Taliban ku qaadeen saldhig milatari oo ku yaal gobolka Qandahaar.

Qaraxan saaka oo sabti ah dhacay wuxu ku soo beegmay iyadoo dalkaasi galay maalintii koobaad ee bisha Ramadaan oo ah bil barakaysan oo Muslimiintu soon iyo cibaado badan gutaan.

Hawl galladii dagaalka ahaa ee Maraykanku kaga soo horjeeday Taliban ayaa si rasmi ah loo soo gabogabeeyey sanadkii 2014-kii hase yeeshee, ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ayaa weli taageero siiya ciidamada Afghanistan.

Taliban ayaa la rumaysanyahay in ay gacanta ku hayaan ku dhawaad saddex meeloodoow meel dhulka Afghanistan ka dib markii ay meelo badan ka qabsadeen dawladda labadii sannadood ee la soo dhaafay.