Tirada carruurta ay nafaqo-darrada ku hayso Muqdisho oo korartay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tirada carruurta ay nafaqo-darrada ku hayso Muqdisho oo korartay

Waxaa bishan korodhay tirada carruurta ay hayso nafaqo-darrada ee la seexinayo isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir, ee magaalada Muqdisho.

Carruurtan oo kuwa ugu badan ay da`doodu ka yar tahay shanta sano ayaa badankood waxay ka soo jeedaan qoysaskii ka soo barakacay abaaraha dalka ka jira ee ku nool xeryaha barakacayaasha ee magaalada.

Cudurro uu shuban-biyoodku ka mid yahay oo xeryahaas ka dillaacay ayaa la sheegay inay sababeen nafaqo-darrada.

Haddaba Dr. Luul Maxamed waa madaxa qaybta carruurta ee isbitaalka Banaadir, waxa ay khadka taleefanka ee Muqdisho ugu warrantay weriyaha BBC-da Faadumo Macallin Abuukar.