Sicir bararka iyo Ramadaanka Hargeysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sicir bararka iyo Ramadaanka Hargeysa

Bisha Ramadaan ee bilowga ah waxa ay dadweynuhu siiba kuwa qoysaska ah aad u iibsadaan khudradda la miirto iyo ta la cunaba, hilibka saanbuusaha laga sameeyo iyo sareenka laga suxuurto.

Hasayeeshee dhammaan waxyaabahaas kala duwan waxaa saameeyay sicir barar mudaba ka taagnaa Somalilad, oo waxaa sare u kacay qiimaha lagu kala iibsado khudradda iyo hilibkaba.

Sidaana qoysaska saboolka ah waxaa ugu adkaaday maareynta noloshooda xilligan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Haddaba weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa tegay suuqa bartamaha ee magaalada kaddibna warbixintan ayuu inooga soo diray.