Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed oo laga furay Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed oo laga furay Muqdisho

Markii ugu horreysay waxaa magaalada Muqdisho laga hirgaliyay Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xafiiskaas ayaa shaqadiisu waxa ay tahay inuu dalka gaarsiiyo nidaamka axsaabta oo uu ka saaro kan hadda jira ee awood-qeybsiga beelaha ee ku salaysan qaabka 4.5.

Haddaba Maxamed Cumar, waa madaxa Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada ee Guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan.