Bangladesh oo dadka xeebaha ka daad guraynaysa duufaanka Mora

Qaar ka mid ah dadka lagu soo daad gureeyey dugsiyada, xafiisyada dawladda Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaar ka mid ah dadka lagu soo daad gureeyey dugsiyada, xafiisyada dawladda

Bangladesh ayaa isku dayeysa in ay ku dhawaad milyan qof ka daad gurayso dhulka ay deganyihiin inta aanu ku dhufan duufaan xooga leh oo ku soo socda dalkaasi.

Duufaanka Mora ayaa la filayaa in uu waaberiga Salaasada soo gaadho xeebaha bari ee dalkaas sida ay sheegtay wakaaladda saadaasha hawada ee dalkaasi.

Magaalooyinka dekadaha leh ee ku yaal koonfur bari ayaa la faray in ay digniinta culus ee loo yaqaan "halista weyn ee heerka 10-aad" oo u diraan shacabka. Kuwa kale ee ku yaal galbeedka ayaa iyagna la geliyey heegan ah heerka 8-aad.

Dugsiyada iyo xafiisyada dawladda ayaa dadka la daad guraynayo looga dhigay hoy, dadka degan meelaha taagga ah qudhoodana waxa la faray in aanay isku hallayn ee ay ka baxaan goobaha ay deganyihiin.

Bangladesh weli si buuxda ugama soo kaban khasaarihii daadadku gaadhsiiyeen dhinaca woqooyi bari ee dalka bishii April, oo khasaaraha badan ee ka dhashay ay ka mid aheeyeen dalagyadii beeraha oo ay daadadku qaadeen, taasina dhalisay in sicirka bariisku gaadho heer aan hore loo arag.