Gudida Congress-ka ee baaraysa xiriirkii Trump iyo Ruushka oo u yeeray qareenkiisa

Michael Cohen waa qofkii ugu dambeeyey dadka Trump u dhaw ee diida inuu xog siiyo gudida Congress-ka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Michael Cohen waa qofkii ugu dambeeyey dadka Trump u dhaw ee diida inuu xog siiyo gudida Congress-ka

Qareenka gaarka ah ee madaxweyne Trump ayaa lagu soo waramayaa in loogu yeedhay in uu hor yimaado gudida Congress-ka ee baadhaya eedaha ah xidhiidhkii Ruushka iyo kooxdii ololaha Trump.

Wakaaladda wararka Associated Press ayaa ku warantay in go'aanka loogu yeedhay qareenka Trump, gudida Congress-ku gaadhay ka dib markii Micheal Cohen, waa ninka qareenka ahe, warbaahinta Maraykanka uu u sheegay in uu ka gaabsaday "inuu wax xog iyo caddayn ah" ka bixiyo xidhiidhadii uu la yeeshay Kremlin-ka sababta oo ah buu yidhi habka loo falkiyey qoraalka codsiga ah ee loo soo diray oo liidatay.

Trump ayaa beeniyey in kooxdiisu Ruushka xidhiidh hoose dhex maray. Wararkan u dambeeyey waxay soo baxeen maalmo uun ka dib markii la shaaciyey in wiilka madaxweyne Trump sodogga u yahay isla markaana ah la taliye sare oo la shaqeeya, Jared Kushner, lagu bilaabay baadhitaan la xidhiidha eedo sheegayey in uu Ruushka kala hadlay sidii loo suurto gelin lahaa khad is gaadhsiineed oo sir ah oo ay kuwada xidhiidhaan kooxdii xiliga kala guurka kala shaqaynaysay madaxweynaha iyo aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ku.