Qaramada Midoobay oo ciidamada Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, maleeshiyaad ku eedaysay xadgudubyo

Qaar ka mid ah maleeshiyaadka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaar ka mid ah maleeshiyaadka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaa lagu sheegay in xadgudubyo bini'aadannimada ka dhan ah ay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa Jamahuuriyadda Afrikada Dhexe iyo kooxo hubeysan oo isugu jira kuwo dalkaasi u dhashay iyo kuwo shisheeye.

Qaramada Midoobay waxay xog faahfaahsan ka heshay 620 dhacdo oo kala duwan, kuwaas oo ay ku jiraan kufsi ay kooxo maleeshiyo ah u geysteen haween iyo gabdho ay da'doodu tahay shan sano jir, dad u dhintay jidh dil loo geystay dartii iyo xaafado dhan oo inta weerar lagu qaaday la gubay.

Jamahuuriyadda Afrikada Dhexe ayay Qaramada Midoobay sheegtay inay la daalaa dhaceysey xasilooni darro siyaasadeed iyo musuqmaasuq muddo sanado ah, taas oo horseedday isku dhacyo hubeysan oo sabab u noqday in kooxuhu ay geystaan falal ka baxsna bini'aadannimada.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa digniin u dirtay kuwa qalalaasaha sameynaya oo ah in lala socdo falalkooda, isla markana la hayo caddeymo lagu soo taagi doono maxkamad.