Banki cusub oo Hargaysa laga furay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Banki cusub oo Hargaysa laga furay

Somaliland waxaa markii ugu horeysay rasmi ahaan magaalada Hargeysa looga furay baanka ganacsige ee PREMIER BANK .

Munaasaabada furitaanka baankaasi waxaa ka qayb galay masuuliyiin iyo ganacsato uu kamid yahay madaxweyne xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo isagu xadhiga ka jaray faraca baanka Pemier ee Hargeysa .

Haddaba , cidda leh baankaasi , iyo adeegyada uu dadweynaha u qabanaayo waxaa weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ka wareystay maamulaha baankaasi ee qaybta Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil.