Tareen casriga ah ee Kenya oo maanta shaqada bilaabaya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tareen casriga ah ee Kenya oo maanta shaqada bilaabaya

Waxaa maanta si rasmi ah u hawl galaya tareen casri ah oo dhismaha dhabbihiisa iyo isagaba dhismahiisu ay socotay mudo dheer . Tareenkani casriga ahi wuxuu u kala gooshi doonaa magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Diyaar garow ballaadhan ayaa ka socday magaalada Mombasa oo ah halka safarka ugu horeeya marka xadhiga laga jaro uu ka dhaqaaqi doono. Waxa xadhiga ka jaraya saaka marka uu dhaqaaqayo tareenkan cusubi madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta. Ciise Xaaji Cabdille ayaa warbixintan inooga diyaariyay horumarkan weyn ee la sheegay in Kenya ku tallaabsatay.