Hoggaamiyaha Jarmalka oo qaabishay dhigeeda Shiinaha

Ra'isal wasaare Angela Merkel Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ra'isal wasaare Angela Merkel

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa si heer sare ah ugu soo dhawaysay magaalada Berlin ra'iisal wasaaraha dalka Shiinaha Li Keqiang, waxaana lagu qaabilay maamuus milatari oo buuxa.

Ajendayaasha ay ka wada hadli doonaan ayaa la filayaa in ay ugu horrayn doonaan isbedelka cimilada iyo ganacsiga.

Li waa masuulkii labaad ee sare ee ka socda qaaradda Aasiya ee maalmo gudahood Berlin wadahadallo kula yeesha masuuliyiinta Jarmalka, waxaana ka horeeyey ra'isal wasaaraha Hindiya Narendra Modi, oo Salaasadii la kulmay Angela Merkel.

Kullamadan hogaamiyeyaasha Aasiya ay Merkel la yeelatay waxay ku soo beegmayaan iyadoo xiriirka ay la leedahay Trump yara cakirmay, sababna ay u tahay aragtida uu ka qabo isbedelka cimilada.

Li waxa kale oo uu maalinta Khamiista ah booqasho ku tagi doonaa magaalada Brussels si uu kulamo ula yeesho madaxda Midowga Yurub oo la filayo in ay soo wada saari doonaan bayaan wada jir ah oo ku aadan hirgalinta heshiiska isbedelka cimilada ee Paris.