Ruushka oo gantaalo la dhacay xarun Daacish ku leedahay Suuriya

Gantaal la ganay Lahaanshaha sawirka .
Image caption Gantaal la ganay

Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa afar gantaal oo nooca Cruise-ka ah ku riday goobo fadhiisinno u ah kooxda la baxday Dawladda Islaamka oo ku yaal meel u dhow magaalada Tadmur ee Suuriya.

Sida ay sheegtay wasaaradda gaashaan dhigga ee Ruushku duqayntan oo ah tii ugu horraysay ee ciidamada Ruushku fuliyaan tan iyo bishii Noofember, ayaa lala beegsaday kooxo maro ku dheg ah iyo goobo saanad culusi u taal kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in dableydaa la duqeeyey iyo saanadda ay wateenba ay ka soo dhaqaaqeen magaalada Raqqah.

Wasaaraddu waxa kale oo ay sheegtay in Ruushku wargeliyey Maraykanka, Turkiga iyo Israel ka hor intii aanu sawaariikhdaa ganin ee weerarka qaadin.