Uganda: Baadhitaan lagu wado shaki ah in diblomaasiyiin Shiine ahi fool maroodi tahriibiyeen

Raqda maroodiyo foolashii lagala baxay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Raqda maroodiyo foolashii lagala baxay

Dawladda Uganda ayaa bilawday baadhitaan cusub oo lagu doonayo in lagu ogaado in shaqaalaha wakaaladda ilaalinta duur joogta qaarkood si sir ah ugala shaqeeyeen diblomaasiyiin Shiine ah, in si sharci darro ah fool maroodi dalka looga dhoofiyo.

Shan sarkaal oo sarsare ayaa shaqada laga fadhiisiyey laba sannadood ka hor markii la ogaaday in shixnad fool maroodi ah oo dawladdu qabatay laga waayey bakhaarada wakaaladda ilaalinta duur joogta.

Booliska Uganda ayaa qabtay dhawr shixnadood oo waaweyn oo fool maroodi ah intii mudadaa ka dambeysayna, shixnadahaa qaarkoodna waxay u socdeen dalka Singapore.

Saraakiisha safaaradda Shiinaha ee Kampala ayaa ka gaabsaday in ay wax hadal ah ka yidhaahdaan arintan.

Uganda ayaa loo haystaa in ay tahay marinka ugu wayn ee laga tahriibiyo fool maroodiga laga soo kootarabaaniyo dalalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, South Sudan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.