Lubnaan oo dalkeeda ka mamnuucday filim haweenay Israeli-yad ahi xiddigta koobaad ka tahay

Gal Gadot, jilaaga reer Israel ee filimka xiddigta ka ah Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Gal Gadot, jilaaga reer Israel ee filimka xiddigta ka ah

Xukuumadda Lubnaan ayaa ka mamnuucday dalkeeda in laga dhigo filim Maraykan ah oo la yidhaa ' Wonder Woman' sababta oo ah waxa jilaaga koowaad ka ah Gal Gadot oo ah haweenay Israeli-yad ah oo ka tirsanaan jirtay ciidanka dalkaas.

Filimkan ayaa markii hore la filayey in xalay laga dhigo Sinimooyada waaweyn ee Beirut, laakiin wasaaradda arimaha gudaha ee dalkaas ayaa amar ku bixisay in aan la dhigi karin.

Waxa beryahaaba ka socday dalka olole la doonayey in filimkan lagaga mamnuuco dalka Lubnaan oo rasmi ahaan ay weli col u yihiin Israel.

Hase ahaatee filimo kale oo Gal Gadot ka mid tahay jilayaashooda ayaa hore looga dhigay Lubnaan.