Daraasad tibaaxday duruufaha nololeed ee mataanaha Afrika ku dhasha
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daraasad tibaaxday duruufaha nololeed ee mataanaha Afrika ku dhasha

Daraasad shalay oo khamiis ahayd la soo saaray ayaa lagu sheegay in waddamda Afrika ee saxaraha ka hooseeya in mid ka mid ah shantii canug ee dhasha iyaga oo mataana ah ay dhintaan ka hor inta aysan gaarin shan sano.

Daraasaddan oo lagu daabacay jariiradda the Lancet ayaa ah kii ugu horreeyay ee lagu taxliiliyo heerka dhimashada ee carruurta mataanaha ah ee gobolka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay aad u hooseeyaan dedaalada lagu badbaadinayo isla markaana lagu horumarinayo ilmaha mataanaha ah marka la eego carruurta kale.

Haddaba maxaa sababa in carruurta mataanaha ah ay ka halis bataan kuwa kale, su'aashaasi iyo kuwo kale ayay weriyaha BBC-da Suheyba Maxamed Badqas hor dhigtay Dr. Luul Maxamuud Maxamed oo ah madaxa qaybta Hooyada iyo dhallaanka ee isbitaalka Banaadir ee magaalda Muqdisho.