Hubka dhigista xukuumada Soomaaliya Muqdisho ka wado
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hubka dhigista xukuumada Soomaaliya Muqdisho ka wado

Dhawaan dowladda Soomaaliya waxay Magaalada Muqdisho ka billowday hub ka dhigis kaddib markii golaha wasiirada uu soo saaray go'aano dhinaca ammaanka oo lagu amrayay in magaalada gudaheeda aan lagu arki karin askar hubeysan oo aan ka tirsaneyn ciidamada ammaanka.

Hawlgal ay ciidamada ammanka ka sameeyeen degmada Wadajir ayaa markii dambe waxaa ka dhashay iska hor imaad kooban oo dhex maray ciidamada ammaanka ee hawlgalkaasi fulinaay iyo ciidan kale oo hubeysan.

Inkastoo dowldda ay sheegtay in ay dooneyso in arrintaa ay wax uga qabato ammaanka caasimadda haddana waxaa soo baxayay dad ka biyo diidsan qaabka loo maray hubka dhigistaasi iyo in aan la gaarin xilligii hub ka dhigis la sameyn lahaa.

Dadkaasi waxaa ka mid ah guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo u waramay weriyaha BBC-da, Xasan Cali Geele.