Dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ah oo si isku mid ah u cambaareeyey Trump

Madaxweyne Trump oo shaacinaya go'aanka uu ku diiday heshiiska Paris Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweyne Trump oo shaacinaya go'aanka uu ku diiday heshiiska Paris

Dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ah ayaa labaduba cambaareeyey go'aanka Madaxweyne Trump kaga saaray Maraykanka heshiiska caalamiga ah ee la dagaallanka isbedelka cimilada.

Ururka sideed iyo afartanka dal ee dunida ugu koboca hooseeya ayaa ku eedeeyey Trump in aanu dan ka lahayn nafta malaayiin qof.

Shiinaha iyo Midowga Yurub ayaa iyaguna sheegay in ay dardar gelin doonaan iskaashiga ay arintan ka leeyihiin, India ayaa iyaduna sidoo kale sheegtay in ay u heellantahay heshiiskan 2015-kii lagu gaadhay Paris.

Haseyeeshee, duqa magaalada New York, Micheal Bloomberg, ayaa sheegay in Maraykanku aanu ka gaabsan doonin masuuliyada ka saaran heshiiska Paris, go'aanka Washington wuxuu doono ha noqdee.

Wuxu sheegay ay iskaashan doonaan magaalooyinka, gobollada iyo shirkadaha waaweyn ee Maraykanku oo ay sida wada jir ah uga shaqayn doonaan wax ka qabashada isbedelka cimilada.

Waxaanu intaa ku daray in ururkiisa khayriga ahi gacan ka gaysan doono isku duwidda dedaallada la doonayo in lagaga dhabeeyo ballankii ahaa in qiiqa wershadaha hoos loogu dhigo boqolkiiba lix iyo labaatan.