Koonfur Afrika: Xisbiga talada haya oo doonaya in la baadho xidhiidh musuq oo la sheegay inuu dhex maray ganacsato, qoyska madaxweynaha

Madaxweyne Jacob Zuma waxa hore loogu eedeeyey musuqmaasuq Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne Jacob Zuma waxa hore loogu eedeeyey musuqmaasuq

Xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ayaa ku baaqay in la baadho e-mail-o loo malaynayo in ay muujinayaan xidhiidh musumaasuq ah oo sida la tuhunsanyahay dhex maray qoyska madaxweyne Jacob Zuma iyo ganacsato hodan ah.

Xisbiga African National Congress (ANC) ayaa sheegay in tuhunkan soo baxay calaamad su'aal saarayo sumacadda dawladda isla markaana ay tahay in aan arrimahaa la dhayalsan.

Madaxweyne Zuma ayaa qudhiisu dhawaan ka badbaaday isku dayo lagu doonayey in uu is casilo oo ay soo jeediyeen xubno sarsare oo ka tirsan xisbiga ANC.

Eedaymahan waxa beeniyey qareenada Zuma waxayna ku sheegeen in ay yihiin been la soo dhoobdhoobay.

Qoys ganacsato ah oo la yidhaa reer Gupta ayaa iyaguna sheegay in qoraalladan la baahiyey laga "leeyahay dano siyaasadeed".

Baaqan ka soo baxay xisbiga talada haya yaa la moodaa inuu yahay mid ANC kaga faraxalanayo sumcad xumada uu u soo hooyey hogaamiyehiisa 74 jirka ahi. Waxaana cad in xisbigu garawsanyahay in aanu hogaanka hayn doonin Zuma lix bilood ka dib, waxaana muuqata inuu xisbigu iska moosayo eedahaas oo uu danaynayo in ay Zuma keligii ku ekaadaan.