Barta Twitter-ka wasiirka arrimaha dibadda Baxrayn oo la jabsaday

Lahaanshaha sawirka AFP

Bogga Internet-ka Twitter ee wasiirka arrimaha dibadda Bahrain Khalid al-Khalifa ayaa waxaa jabsaday wax u muuqda maleeshiyo Shiicada, farriimo ay soo dhigeen ayaa waxaa ka mid ah inay dhacday boqortooyadii waddanka.

Waxaa jira xiisad xooggan oo u dhaxeysa Shiicadda Baxrayn ku badan iyo Sunniga Muslimka ee talada xukunka haya.

Dalka dariska ah ee Qatar ayaa sidoo kale dhawaan wuxuu ahaa dhibbane wax ay ku sheeggeen afduubayaal Internet-ka oo daabacay haddallo liddi ku ah hogaamiyaha wadanka.

Tani waxay dhallisay xiisadd culus oo ka dhex curatay Khaliijka, baarayaal Ameerikaanka ah ka socda FBI-da ayaa haatan ka caawinaya Qatar baaritaanka ku aadan weeraradaas Internet-ka.