Soomaali iyo caddaan deeq u uruuriyay dadka abaaruhu ku saameeyeen Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali iyo caddaan deeq u uruuriyay dadka abaaruhu ku saameeyeen Soomaaliya

Gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka waxaa ka soconaya howlo gurmad ah oo gargaar loogu fidinayo dadka gudaha Soomaaliya ay abaaruhu ku saameeyeen.

Magaalada St. Pauls, boqolaal qof oo isugu jira Soomaali iyo dad caddaan ah oo si iskaa ah u shaqaynaya, ayaa xalay baco ku xirxirayay raashin ay ku deegday hay'ad caalami ah oo la yirahdo quudi carruurtaydan baahan.

Bacayta raashinka oo soo soctay maalmo ayaa laggu wadaan in ay soo afjaranto maanta gelinka dambe.

Weriyaha BBC-da Mohamed Haaji Hussien oo booqday meesha ay ka socoto bacaytu ayaa waraysta qaar kamida dadka halkaasi joogay.

Wuxuuna ku hormaray Cabdirizaaq Biixi oo arrimaha Soomaalida u ololeeya.