Dhowr qof oo degmada Dhahar ee gobolka Sool ugu dhintay Shuban-biyood
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhowr qof oo Shuban-biyood ugu dhintay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag

Hay'adda IRC ayaa sheegtay in malaayiin carruur ah oo ku nool Bariga Afrika iyo Yemen ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan cudurka daacuunka iyo cudurada kale ee ka dhasha biyaha ee laga hortegi karo.

Hay'addani ayaa sheegtay in waddamada ay colaadda iyo abaaraha ka jiraan ay yihiin kuwa ugu daran ee ay cuduradani aafeeyeen.

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale sheegtay in qiyaastii hal milyan oo carruur ah oo ku nool bariga Afrika ay haysato nafaqadarro.

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada gobolka ee abaarta ay dhibaatada ugu ba'an ka soo gaartay, waxaana qaybo badan oo dalka ka tirsan haatan ka jira shuban biyoodka galaaftay nolasha dad badan.

Deegaanka Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa ka mid ah deegaanda uu aadka u saameeyay shuban biyoodka, waxaan xaaladda shubanka ee deegaankaasi ka wareysanay Dr Maxamuud Cabdisamed Cali oo ka hawlgala cusbitalka Dhahar.