Maxay ku dambeyn doontaa xaalada Qatar?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay ku dambeyn doontaa xaalada Qatar?

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dalka Qatar ku tilmaamay inuu yahay dal weligii ba taageera u fidin jiray argagixisada. Mar uu ka hadlayay aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa Mr Trump waxaa kale oo uu shegay in la joogo xiligii wadamada khaliijka ay joojin lahayeen dhaqaalaha ay siiyan argagixsada.

Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid maalmo un kaddib markii xoghaya arrimaha dibadda ee wadanka Mareykanka, Rex Tillerson uu ku booriyay dalka Sacuudiga, iyo wadamada khaliijka inay qadaan xayiraada ay ku soo rogeen dalka Qatar, wuxuuna sheegay in go'doominta ay horseeday cunni yari.

Haddabo Maxay ku dambeyn doontaa xaalada Qatar? su'aalahaasi iyo kuwa kale ayaanu weydiinay Dr. Sacad Sheekh Cismaan oo ka faalooda arrimaha caalamka. wuxuuna u warramay weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato.