Hogaamiyaha mucaaradka Zambia oo loo bedelay xabsi kale

Hogaamiyaha mucaaradka Zambia Hakainde Hichilema Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hogaamiyaha mucaaradka Zambia Hakainde Hichilema

Hogaamiyaha mucaaradka Zambia Hakainde Hichilema oo wajahaya dacwad la xiriirta khiyaano qaran ayaa loo wareejiyay xabsi amaankiisa si wayn loo adkeeyay oo ku yaala duleedka caasimada dalkasi.

Xabsiga ayaa qiyaastii 150 kiilo mitir u jira caasimada Lusaka, halkaas oo horay loogu hayay. Mr Hichilema ayaa sheegay in uusan ogeyn sababta loo xira.

Hakainde Hichilema ayaa lagu edeeyay in uu isku dayay in uu xukunka ka tuuro dowlada kadib markii kolonyo baabur ah oo ay la socdeen mucaaradka la sheegay inay diideen in wadada ay u baneyaan mootooyiin iyo gawaari uu la socday madaxwayne Edgar Lungu.

Kooxaha u dooda xuquuqul aadanah ayaa cambaareeyay dacwada ka dhanka ah Mr Hichilema iyo shan qof oo kale, waxaana ay arrintani ku tilmaameen mid ay siyaasadeysan.