Tahriibeyaasha Soomaalida ah maxaa ka qabsaday Liibiya?!
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tahriibeyaasha Soomaalida ah maxaa ka qabsaday Liibiya?!

Waxaa maalmihii la soo dhaafay baraha ay bulshady ku xidhiidho aad loogu hadal hayay muuqaallo la baahiyay oo muujinaya dhallinyaro Soomaali ah oo tahriibayaal ah oo lagu jidh dilayo dalka Liibiya.

Liibiya waxay marin u tahay tahriibayaasha doonaya in ay u gudbaan qaarada Yurub, haseyeeshee waxay mar walba xadgudubyo iyo afduub kala kulmaan mukhallisiin ku sugan dalkaasi.

Haddaba maxay arrintan ka ogtahay dowladda Soomaaliya? Waxaan ka wareysannay safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya Muxyadiin Maxamed Kaalmooy, Cabdifataax Ibraahim Cagayare ayaa wareystay, ugu horreyna wuxuu weydiiyay waxay safaaradu kala socoto dhibka lagu hayo Soomaalida tahriibayaasha ah?