Madaxda Khaliijka oo soo dhaweeyey hadalkii Trump ku eedeeyey Qatar

Khariidad muujinaysa Qatar iyo dalalka ay deriska yihiin ee xidhiidhka u jiray
Image caption Khariidad muujinaysa Qatar iyo dalalka ay deriska yihiin ee xidhiidhka u jiray

Sacuudi Carabiya iyo xulafadeeda ayaa soo dhaweeyey dalabkii Madaxweyne Trump ee ahaa in Qatar joojiso taageeridda argagixisada.

Laakiin waxay iska dhego tireen baaq kale oo ka soo yeedhay wasiirka arimaha dibadda Maraykanka oo ahaa in ay debciyaan go'doominta dhaqaale ee ay saareen Qatar.

Wasiir arimaha dibadda Maraykanka,Rex Tillerson, ayaa sheegay in go'oomintaasi yeelanayso cawaaqib aadamenimo, isla markaana ay dabrayso gulufka Maraykanku hogaaminayo ee lagu hayo kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Jimcihii ayaa Madaxweyne Trump ku eedeeyey Qatar in ay "gacan weyn" siiso argagixisada. Haseyeeshee Qatar way beenisay eedaymahaa, waxaanay wasiirkeeda arimaha dibadda ugu dirtay socdaal uu ku soo marayo xarumaha Yurub si uu taageero ugu helo mawqifkeeda.