Nin xildhibaano Maraykan ah toogtay oo isna la dilay

Askari boolis ah oo taagan goobtii shilku ka dhacay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Askari boolis ah oo taagan goobtii shilku ka dhacay

Nin hubeysan oo rasaas ku furay xildhibaanno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga xilli uu tababar cayaarta baseball-ka ahi ka socday fagaare ku yaalla Washington ayaa dhintay, sida uu sheegay madaxweyne Donald Trump.

Guddoomiyaha Aqlabiyadda Aqalka Wakiillada, Steve Scalise, ayaa ka mid ahaa shan qof oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Alexandria, ee gobolka Virginia.

Ninka weerarka soo qaaday, oo lagu sheegay inuu ka soo jeedo gobolka Illinois laguna magacaabo James T Hodgkinson, ayaa la dilay kaddib markii ay is xabbadeeyeen booliiska.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jiray labo sarkaal oo qaba dhaawacyo fudud.

Madaxweyne Trump ayaa weerarka ku tilmaamay mid si naxariis-darro ah loo soo qaaday.

Xildhibaannada ayaa u diyaar garoobayay cayaarta sanadlaha ah ee congress-ka oo dadka soo qaban qaabiyay ay wacad ku mareen in sidii qorshuhu ahaa ay uga dhici doonto Khamiista garoonka National Park.

Booliiska Alexandria ayaa sheegay in FBI-du ay la wareegeen baadhitaanka toogashada, oo ka bilaabatay garoonka Eugene Simpson wax yar kaddib toddobadii aroornimo Arbacadii.