Baarlamanka Masar oo ansixiyey in jasiirado Badda Cas ku yaal lagu wareejiyo Sucuudiga

Muuqaal ka mida jasiiradaha Sucuudiga lagu wareejinayo Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Muuqaal ka mida jasiiradaha Sucuudiga lagu wareejinayo

Baarlamaanka Masar ayaa ansixiyey qorshe muran badan dhaliyey oo ku saabsan lahaanshaha laba jasiiradood oo aan cidiba ku noolayn loogu wareejinayo Sucuudiga.

Heshiiskan lahaanshaha jasiiradahan ku yaal Badda Cas oo la kala yirahdo Tiiraan iyo Sanaafiir, ayaa la gaadhay mar uu bishii Abriil 2016-kii Boqor Salmaan-ka Sucuudigu booqasho ku tagay Masar.

Heshiiskaasi wuxu Masar ka dhaliyey mudaharaadyo lama filaan ah oo lagaga soo horjeedo madaxweynaha dalkaasi oo ay dadku ku eedeeyeen inuu "iibiyey" jasiiradahaa oo uu ku bedeshay gargaar Sucuudigu siiyo.

Heshiiskaas ayaa dacwado lagu diidanyahay laga furay maxkamadaha Masar oo socday sannadkii hore ooo dhan. Laakiin baarlamaanku wuxu ku adkaystay in arrintaas ka go'aan gaadhideedu tahay mid uu isagu awood u leeyahay, xeerkaa uu baarlamaanku meel mariyeyna wuxuu haatan sugayaa uun in uu madaxwyne Cabdelfataax Al-Sisi ugu dambaysta saxiixo, si uu u hirgalo.

Dad badan oo mudaharaadaya ayaa iskugu soo baxay xarunta ururka suxufiyiinta ee ku taal Qaahira markii go'aanka baarlamanka la shaaciyey. Dhawr qof oo ay ku jiraan weriyeyaal ayaana la xidhay.

Al-Sisi ayaa sheegay in weligoodba jasiiradahaa ay Sucuudigu lahaayeen laakiin ay sannadkii 1950-kii Sucuudigu Masar weydiisteen in ay ciidamo ilaaliya halkaa geyso.