Waraysi: Gabadhii u horaysay ee Soomaaliyad ah ee duuliye noqota
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Gabadhii u horaysay ee Soomaaliyad ah ee duuliye noqota

Asli Cabaade waxay ahayd gabadhii u horraysay ee Soomaaliyad ah ee noqota duuliye ka tirsan ciidamadii cirka ee Soomaaliya.

Asli oo haatan degan magaalada Dallas ee gobolka Texas ee dalka Marakanku, waxay markii u horraysay diyaarad ay iyadu duuliye ka tahay kicisay 9-kii bishii Sebtember 1976 waxaanay ku dhiirri gelisa hablaha Soomaalida ah in ay bartaan xirfadaha gaarka ah ee ay duuliyenimadu ka midka tahay, Cabdiraxmaan Bidhaan aya waraysigan la yeeshay.