'Dadkii London ku gubtay in aan waligeed la aqoonsanin ayay u badan tahay'

Masuuliyiinta dabdamiska ayaa sheegay in aysan filaynin in ay helaan dad nool Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Masuuliyiinta dabdamiska ayaa sheegay in aysan filaynin in ay helaan dad nool

Booliiska magaalada Britain ayaa ka digay in laga yaabo in aysan waligood u suurtagalin in ay aqoonsadaan dhammaan dadkii ku dhintay dabkii waynaa ee qabsaday dabaqa dheer ee magaalada London.

Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa maalintii saddexaad ku jira iyaga oo baaraya maydad ku dhex jira dhismaha gubtay ee Grenfell Tower.

Toddobo iyo toban ruux ayaa hadda la og yahay in ay ku dhinteen balse waxaa la filayaa in dhimashadu ay intaas ka sii badato, waxaana laga cabsi qabaa in ay dhimashadu gaari karto 60 ruux.

Saraakiisha dabdamisku waxay sheegeen in aysan filaynin in dad nool oo kale la helo.

Lix mayd ayaa si rasmi ah loo aqoonsaday, balse madaxa booliiska London Stuart Cundy ayaa sheegay inaysan awoodin inay caddeeyaan qof walba.

Rai'salwasaare Theresa May ayaa amar ku bixisay in baaritaan buuxa lagu sameeyo dabkan.

Theresa ayaa intaas ku dartay in dadku ay xaq u leeyihiin inay jawaabo helaan oo ay ogaadaan sababta uu dabku si dhaqso ah ugu faafay.

Dhibbanihii ugu horreeyay ayaa lagu sheegay inuu ahaa qaxooti u dhashay Suuriya laguna magacaabi jiray Mohamed Alhajali oo 23 jir ahaa.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ra'isal Wasaare May oo booqatay dhismihii gubtay ee London

May ayaa goor hore booqasho gaar ah ku tagtay goobta, halkaas oo ay kula hadashay madaxa dab damiska Dany Cotton iyo xubnaha adeegyada gargaarka degdegga ah.

Laakiin waxaa lagu dhalliilay in aysan u tagin dadkii ay dhibaatadu soo gaartay intii ay booqashadaas ku jirtay.

Baaritaankan ay May amartay ayaa la sheegay inuu hoggaamin doono xaakim, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladdu ay rajeyneyso inay dhowaan ku dhawaaqdo magaca xaakimka, sida uu ku soo warramayo ku xigeenka tifaftiraha BBC-da ee arrimaha siyaasadda Norman Smith.

Baaritaannada buuxa ayaa loo sameeyaa sababo kala duwan dartood. Mararka qaar waxaa loo sameeyaa in daaha laga rogo runta kaddib marka arrin lagu muransan yahay ay dhacdo, amaba si eedda loogu soo rogo shakhsiyaad.