Falanqeyn: Muxuu ka dhigan yahay heshiiska uu Maraykanka hubka kaga iibinayo Qatar
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn: Muxuu ka dhigan yahay heshiiska uu Maraykanka hubka kaga iibinayo Qatar

Qatar ayaa la saxiixatay Maraykanka heshiis ay kaga iibsanayso diyaaradaha dagaalka ee F-15, kaasoo qiimihiisu ku kacayaa 12 bilyan oo Dollar.

Heshiiskan waxa qalinka ku duugay wasiirka gaashaan dhigga ee Maraykanka James Mattis iyo dhigiisa Qatar.

Waxaanu heshiiskani ku soo beegmay maalmo uun ka dib markii uu Donald Trump ku eedeeyey Qatar, oo ah dal ay xulufo yihiin Maraykanka, in uu maal geliyo argagixisada, eeddaas oo Qatar-na beenisay.

Hadaba, Qatar oo ay haatan go'doomiyeen qaar ka mid ah dalalka Khaliijka, haddii ay hub ka iibsanayso Maraykanka xaaladda cakiran ee gobolka ma sii murgin doontaa?

Dr. Afyare Cabdi Cilmi oo wax ka dhiga Jaamacadda Qatar oo u waramay Axmed Badar ayaa ka jawaabaya.