Ramadaanka iyo dadka qabta shaqooyinka culus
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ramadaanka iyo dadka qabta shaqooyinka culus

Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa dadka shaqeeya badankoodu waxay jecelyihiin in ay fasax galaan oo ay nastaan.

Goobaha culayksa soonka ay dadku dareemaan ee kulaylaha ah waxa ka mid ah magaalada Gaarisa oo heer kulkeedu sareeyo.

Sidaas oo ay tahay ayaa haddana waxa jira dad ku nool magaaladaas oo shaqooyin culus qabta iyagoo sooman.

Waxa ka mid ah dadkaa tumaaladda oo shaqadoodu tahay in ay dab dul fadhiyaan saacado badan oo ay u dheertay tumidda biraha oo u baahan xoog iyo tamar badan.

Dadka farsamo gacmeedkaa culus ku shaqeeya waxa ka mid ah Maxamuud Cismaan oo weriyaha BBC-da Bashkas Jug Soodhacay uga waramay sida kulaylka badan, soonka iyo hawshaa culus ee ay hayaan ay ula tacaalaan inta lagu jiro bisha Ramadaan.