Siyaasi reer Gaboon ah oo lagu edeeyay in uu qarxin rabay goobaha dadweynaha

Hogaamiyaasha mucaardka Gabon
Image caption Hogaamiyaasha mucaardka Gabon

Mid kamid ah siyaasiyiinta mucaaradaka ee dalka Gabon, Roland Desire Aba'a Minko ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii lagu edeeyay in uu qarxin rabay dhismayaasha dadweynaha, isagoo dalbanayay in madaxweyne Ali Bongo uu xilka ka dego.

Waxyar un kahor hadalka Aba'a Minko , kooxho hubeysan ayaa weerarya dhowr warbaahin oo ka howgala caasimadda Libreville, iyagoo doonayo in la baahiyo hanjabaada ka soo yeertay siyaasigaasi.

Doorashada madaxweyne Bongo ee sannadkii hore ka dhacday dalka Gabon ayaa waxaa ka dhashay buuq, iyadoo dad badan oo u dhashay dalkaasi ay aaminsanyihiin in hogaamiyaha mucaaradaka ee dalkaasi, Jean Ping uu ku guuleystay doorashada.

Xafiiska Jean Ping ayaa dhankiisa sheegay in hadalkan ka soo yeeray Aba'a Minko loo adeegsan karo in lagu caburiyo mucaaradka.

Mr Aba'a Minko waxaa uu horay uga tirsanaa isbaheysiga siyaasadeed ee Jean Ping, waxaana uu doonayay in madaxweyne Ali Bongo uu aqbalo in Mr Ping uu kaga guuleystay doorashada.