Waraysi: Khasaaraha gaadhay hudheelka Pizza House
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Khasaaraha gaadhay hudheelka Pizza House

Kaddib qaraxii xoogaanaa ee dhawaan ka dhcay magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in mid ka mid ah hudheeladii lala beegsaday uu gabi ahaanba burburay.

Hudheelka Pizza House ayaa waxaa maalgashaday dhalinyaro gudaha Soomaaliya wax ku bartay kuwaasi oo muruq iyo maalba galiyay sidii ay wadanka ugu soo kordhin lahaayeen goob casri ah oo lagu nasto.

Cabdiraxiim Maxamuud Cabdiraxmaan (Noogsane) waxa uu kamid yahay dhalinyaradaasi maalgashaday hudheelka waxa uuna maamule ka yahay isla Pizza House, Ibrahim Maxamed Aden ayuu Muqdisho ugaga waramay khasaarihi gaadhay hudheelka.