Maraykanka oo joojiyay dhammaan hilibkii Brazil uga iman jiray

Brazil ayaa ah waddanka koobaad ee hilibka ugu badan ee lo'da u dhoofiya dunida Lahaanshaha sawirka Reuters

Dawladda Maraykanka ayaa joojisay hilibkii looga soo dhoofin jiray dalka Brazil ka dib markii ay soo noqnoqotay walaaca laga qabo badqabka hilibkaas loogu talogalay suuqyada Maraykanka.

Dalal dhawr ah ayaa bishii saddexaad ee sannadkan mamnuucay hilibkii Brazil uga iman jiray, ka dib markii dacwad oogeyaal ay sheegeen in la laaluushay saraakiishii caafimaadka ee xaallada hilibka la sosocan lahayd.

Masuuliyiintaas caafimaadka ayaa laaluushka loo siiyay si ay u sheegaan in tayada hilibku uu wanaagsan yahay oo ay gaarsiisan tahay heerkii lagu iibgayn lahaa.

Maraykanku markaas ma mamnuucin hilibkii Brazil, laakiin wuxuu amray in baaritaan lagu sameeyo dhamman hilibka laga soo dhoofiyo dalka Brazil.

Lahaanshaha sawirka EPA

Hadda ayuu dalku sheegay in qaar badan oo ka mid ah hilibka Brazil uu ka hooseeye heerkii badqabka ee lagu quudan karay.

Xukuumadda Maraykanka ayaa tan iyo bishii saddexaad diiday in uu dalka soo galo 860,000 kg oo hilibka Brazil ah, iyadoo lagu sababeeyay walaac laga qabo in hilibkaasi uu wax u dhimo caafimaadka bulshada, xaaladda nadaafadeed ee hilibka oon wanaagsanayn iyo caafimaadka xoolaha la soo qalay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
DAAWO: Cunidda hilibka ceyriinka ah oo looga digay shacabka Itoobiya