Waraysi:  Amarkii xayiraadda ee Trump
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Amarkii xayiraadda ee Trump

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in go`aanka ay maxkamadda sare ee dalkaasi ku fasaxday qaybo ka mid ah amarkiisii xayiraadda socdaalka ay tahay guul u soo hoyatay ammaanka qaranka.

Amarkaasi ayaa ka mamnucaya muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin u badan oo ay Soomaaliya ku jirto inay u safraan Maraykanka muddo 90 maalmood ah. Wuxuu sidoo kale si ku meel gaar ah u hakinayaa barnaamijka qaabilaadda qaxootiga muddo 12 maalmood ah. Maxkamadda ayaa go`aankeeda rasmiga ah soo saari doonta bisha Oktoobar.

Amarkan ayaa waxaa horay u diiday maxkamadaha hoose ee Maraykanka, taasoo ku kalliftay Trumpa aqalka cad inuu racfaan ka qaato.

Haddaba, arrintaas iyo saameynta ay yeelan doonto ayaan ka wareysannay Amiin Haaruun oo ah qareen ku nool Mareykanka, wuxuuna u warramay weriyaha BBC ee dalka Mareykanka Maxamed Xaaji Xuseen (Shiine).