Warbixin:  Dhaqashada Digaagga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin: Dhaqashada Digaagga

Dhaqashada digaagga ah ayaa ah mid aanay si weyn u aqoon Soomaalida, walow manaafacaadkeeda sida ukunta iyo hilibkeeda ay jecel yihiin.

Digaagga Soomaalida ayaa u badan mid lagu dhaqdo guryaha oo tiradiisu aanay gaarin heer ganacsi wanaagsan laga samayn karo.

Hase yeeshee koox ka mid ah qaxootiga ku nool Dhadhaab, gaar ahaan xerada Ifo ayaa juhdi badan galiyay dhaqashada digaagga, waxaana ay ku maareeyaan noloshooda.

Weriyaha BBC Bashkas Jug-soo-dhacay ayaa dhawaan booqday xerada Ifo, waxaana uu la kulmay qaar ka mid ah dadka ka ganacsada digaagga.