Waraysi: Daacish oo saddex jirsatay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Daacish oo saddex jirsatay

Saddex sanadood ka hor maanta oo kale ayaa hogaamiyaha kooxda la baxday Dawladda Islaamka, Abuu Bakr Al-Baqdaadi, wuxu kaga dhawaaqay masaajidka Al-Nuri oo ku yaal magaalada Mosul ee dalka Ciraaq wax uu ku sheegay Dawladda Islaamka oo uu ku sheegay in ay tahay Khilaafo Muslimiintu leeyihiin isaguna hogaanka u hayo oo uu yahay Khaliifkeeda.

Todobaadkii hore aya masaajidkaa taariikhiga ah ee Al-Nuri la dumiyey waxaana lagu eedeeyey kooxda la baxday Dawladda Islaamku in ay iyadu dumisay.

Hadaba duminta masaajidkii kooxdan lagaga dhawaaqay iyo gulufka lagu hayo oo wararka qaar sheegayaan inuu qirinqiir geliyey maxay uga dhiganyihiin kooxdan mayalka adag? Axmednagaashe, ayaa hadaba su'ashaa iyo qaar kaleba waydiiyey Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo ah khabiir ka faalooda arimaha dunida Carabta iyo guud ahaan ba Caalamka Islaamka.