Waraaqo digniin ah oo loo daadiyey dadweynaha ku hadhay Mosul, Ciraaq

Lahaanshaha sawirka AFP

Xafiiska Qaramada Midoobay ee guddiga xuquuqda aadanaha ayaa carabka ku dhuftay in waraaqo loo qaybiyey qoysaska ku dhaqan magaalada Mosul ee dalka Ciraaq ee loogu hanjabayo in ay si qasab ah uga baxaan magaalada, iyadoo lagu eedeynayo inay xidhiidh leeyihiin kooxda la baxday Dawlada Islaamiga ah.

Image caption Qaramada Midoobey

Guddiga ayaa sheegaya inay kordhayso qaylo dhaanta la xidhiidha wax loogu yeedhay waraaqaha habeenkii kuwaasi oo lagu rido guryo gaar ah iyadoo sidoo kale laga qaybiyey deegaano gaar ah. Dadka ayaa loogu digayaa inay ka baxaan goobahaasi maalmo cayiman haddii kale xoog lagu muquunin doono.

IS oo 'jidka Mosul laga gooyay'

Ciidamada Ciraaq oo galay Galbeedka Mosul

Guddiga QM waxay ugu baaqeen dawlada Ciraaq inay qaado talaabooyin ay kaga hortagto sharci darada guryaha dadkaasi looga saarayo, ama nooc kasta oo ciqaab wadareed ah.

Tani waxay imaneysaa iyadoo sarkaal sare uu sheegay in dawaldu ay ku dhawaaqayso guusha ugu dambeysa oo ay ka gaadheen xoogaga la baxday dawlada Islaamka ee ka dagaalamaya Mosul maalmaha soo socda.