Munaasabadda 1-da Luuliyo oo Muqdisho laga xusay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Munaasabadda 1-da Luuliyo oo Muqdisho laga xusay

Waxa xalay lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee magaalada Muqdisho xaflad loogu dabaal degayey 1-da Luuliyo oo ah maalintii ay mustacmaraddii Soomaaliya ka qaadatay xorriyadeeda Talyaaniga oo gumaysan jiray.

Maalintani waxa kale oo ay ku astaysantahay israacii maxmiyadii Somaliland ee xorriyadeeda iyadna ka qaadatay Ingiriiska 26 kii June iyo mustacmaradii xorriyadeeda ka qaadatay Talyaaniga.

Madaxweynaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ra'isal wasaarihiisa iyo xubno sarsare oo ka tirsan dawladda ayaa ka qayb galay xuskan xalay la qabtay.

Nabad gelyada magaalada ayaana aad loo adkeeyey habeenkii xalay ahaa, waxaana gaaf wareegayay wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ciidamada nabad gelyada.

Hadaba xuskaasi sidii uu u qabsoomay waxa goor dhawayd Axmednagaashe uga waramay weriyaha BBC-da Ibrahim Maxamed Aadan.