Qishka imtixaanaadka Somaliland oo laga hortagayo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qishka imtixaanaadka Somaliland oo laga hortagayo

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka afraad ee dugsiga sare iyo kan sideedaad ee dugsiga dhexe ayaa maanta ka bilaabmaya dhamaan gobolada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannanida ee Somaliland, waxaana u fadhiisanaya 27 kun oo arday.

Imtixaanka oo socon doona todobaad ayaa sannadkan waxaa wasaaradda waxbarashada Somaliland iyo xafiiska guud ee imtixaanaadku ku soo rogeen awaamiir cusub oo ay ka mid yihiin in ardeygii lagu qabto qish gabi ahaanba laga joojin doono imtixaanka.

Hadaba, weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa ka wareystay arimaha imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkan gudoomiyaha xafiiska guud ee imtixaanaadka Somaliland Daa'uud Axmed Faarax.