Sarkaal Q.M ka tirsan oo ku baaqay in Talyaaniga la taageero

Madaxa UNCHR oo la fadhiya qaxooti Suuriyaan ah Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxa UNCHR oo la fadhiya qaxooti Suuriyaan ah

Madaxa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa codkiisa ku biiriyey dadka ku baaqaya in Talyaaniga la siiyo taageero dheeraad ah, maadaama uu la daalaa dhacayo tirada badan ee dadka muhaajiriinta ah ee ka soo haajiraya Afrika ee ka soo gudbaya badda Mediterranean-ka.

Flippo Grandi ayaa sheegay in ay tahay in Yurub si dhakhso ah ula timaad hab sugan oo ay ku kala qaybsanayaan dadka soo galootiga ah.

Laakiin wuxuu sidoo kale ku baaqay in lala yimaad dedaal caalami ah oo wax lagaga qabanayo waxyaabaha keena tahriibinta dadka.

Sannadkan oo keli ah waxa gaadhay dalka Talyaaniga sideetan kun oo qof oo tahriib ah, dadka ku dhintay badana waxa tiradooda lagu qiyaasay laba kun oo qof oo isku deyayey in ay ka talaabaan badda.