Tacsi: Mijir Qaaddi oo Burco ku geeriyooday

Marxuumka geeriyooday, Mijir Qaadi Maxamuud Axmed. Lahaanshaha sawirka AXMED SACIID CIGE
Image caption Marxuumka geeriyooday, Mijir Qaadi Maxamuud Axmed.

Allah ha u naxariistee waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Burco, Maxamed Qaaddi Maxamuud Axmed oo ku magac dheeraa Mijir Qaaddi, oo ahaa weriyeyaashii ugu taariikhda dheeraa Soomaalida kana soo shaqeeyey idaacadihii Radio Hargaysa iyo Radio Muqdisho.

Mijir Qaaddi wuxu shaqada weriyanimada ka bilaabay idaacadda Radio Hargeysa sannadkii 1962, sida uu BBC-da u sheegay abwaan Maxamed Aadan Dacar oo ay marxuumka muddo dheer soo wada shaqeeyeen. Waxa kale oo uu marxuumku ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho.

Horraantii sideetameeyadii ayuu Mijir Qaaddi ku biiray jabhaddii SNM ee xarunteedu ahayd Ethiopia ee dagaalka kula jirtay dawladdii Soomaaliya .

Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaliya ee 1991-kii da dib, wuxuu ka mid ahaa waxgaradkii ka qayb qaatay nabadeyntii beelaha iyo gooni isutaagga Somaliland. Markii dambena wuxuu degay dalka ingiriiska, laakiin sanadahan danbe wuxuu marxuum Mijir Qaaddi ku noolaa magaalada Burco, ee xarunta gobolka Togheer.

Naxariista Janno Allah ha ka waraabiyo marxuumka ehelkiisii iyo asxaabtiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo. Aamiin.