Waraysi: Korodhka dakhliga madaarka iyo dekadda Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Korodhka dakhliga madaarka iyo dekadda Muqdisho

Wasaaradda maaliyadda dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inuu kordhay dakhliga ka soo xarooda illaha dhaqaalah waaweyn ee dekadda iyo garoonka Muqdisho. Madaxda wasaaradda ayaa sheegaya inaan si dhaba loo ogaan karin waxyaabaha keenay korodhkaas mudo sannad ah ka hor, waxa se jira bay yidhaahdeen shaqaale la kala badalay oo ka shaqaynayey goobahaas.

Xukuumadda ra'isul wasaare Khayre oo ay u buuxsantay mudo sedex bilood ahi tan iyo markii baarlamanku ansixiyey ayaa doonaysa inay wanaajiso hannaankeeda maaliyadda, si ay usoo jiidato indhaha deeq bixiyayaasha oo ka welwelsan heerka musuqmaasuqa ee la sheego in Soomaaliya kaga jirto kaalinta ugu hooseysa.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan ayaa waraystay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaale Beyle, waxaanu marka hore weydiiyay waxa is bedelay.