Waraysi: Somaliland oo sharci ka soo saartay shaqaalaha ajaanibka ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Somaliland oo sharci ka soo saartay shaqaalaha ajaanibka ah

Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in aanay ogolaan doonin in shaqo uu qaban karo ruux muwaadin ahi la siiyo shaqaale ajenabi ahi.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada ee Somaliland, Maxamed Cabdillaahi Obsiiye, ayaa sheegay in ay bilaabeen diiwaangelinta shaqaalaha ajenebiga ah ee ka shaqeeyay hay'adaha samofalka caalamiga ah, laamaha Qaramada Midoobay iyo shirkadaha gaarka ah.

Wasiirku wuxuu u waramay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.