Xildhibaan ciidamada Kenya ku eedeeyay dilka dad dhawaan meydkooda laga helay Mandera
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xildhibaan ciidamada Kenya ku eedeeyay dilka dad dhawaan meydkooda laga helay Mandheera

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo ka soo jeeda deegaanka Mandheera ee woqooyi bari Kenya ayaa ciidamada ammaanka ee dalkaasi ku eedeeyay mas'uuliyadda dilka dad dhawaan meydadkooda laga helay deegaanka Fino oo ka tirsan dowlad deegaanka Mandheera.

Horraantii todobaadkan ayey ahayd markii mas'uuliyiinta degaanka Mandhera ay shaaca ka qaadeen inay baarayaan maydadka shan qof oo la la'aa oo laga helay xabaal wadareed lagu aasay.

Shantani qof ee maydadkooda la helay ayaa la sheegay inay ka mid aheyd haweeney waayeel ah oo dhawr iyo toddobaatan jir ahayd.

Dadka degaanka ayaa laamaha nabadsugidda Kenya ku eedeynaya inay ka dambeyaan dhacdadan.

Xildhibaan Cabdulcasiis Cabdi Faarax, waxa uu ka mid yahay mas'uuliyiinta booqday degaanka laga helay xabal wadareedka waxa uuna u waramay weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhacay.