Ghana oo dayax gacmeed dirtay

Qaar ka mid ah saynisyahannada dayax gacmeedka sameeyey Lahaanshaha sawirka .
Image caption Qaar ka mid ah saynisyahannada dayax gacmeedka sameeyey

Dalka Ghana ayaa ku guulaystay inuu gano dayax gacmeedkii ugu horreeyey ee uu hawada u diro. Dayax gacmeedka oo loo bixiyey GhanaSat-1, ayaa waxa sameeyey ardayda Jaamacadda All Nations University oo ku taal magaalada Koforidua, waxaana laga diray xarunta caalamiga ah ee dayax gacmeedyada.

Farxad ayaa ka dhacday iyadoo 400 oo qof oo ay ka mid yihiin Injineero ay isagu yimaadeen magaalo ku taal Koonfurta Ghana si ay toos ugu daawadaan muuqaalada dirista dayax gacmeedka wax yar uun ka dib markii fariinta la helay.

Hawsha diyaarinta dayax gacmeedkan oo socotay muddo laba sano ah, waxaana caawimaad ka gaystay wakaaladda cilmi baadhista hawada sare ee dalka Japan.

Dayax gacmeedka waxaa loo adeegsan doonaa ilaalinta xeebaha Ghana iyo sameynta khariiradaha, waxaanu door weyn ku yeelan doonaa dhismaha hannaanka farsamada iyo sayniska hawada sare.

Xidhiidhiyaha mashruuca Dr Richard Damoah ayaa ku tilmaamay talaabadan bilow cusub oo uu wadanku ku talaabsaday.

"Waxaa noo furmay albaab cusub oo aanu ku samaysan karno waxyaabo badan oo hawlaha hawada sare ku saabsan ah" ayuu yiri Dr Richard BBC-da la hadlayey.