Lukaku oo baaritaanka caafimaad u maraya Manchester United

Romelu Lukaku Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Romelu Lukaku

Romelu Lukaku ayaa lagu wadaa inuu maro baaritaanka caafimaad si uu ugu biro kooxda Manchester United, ka dib markii ay Everton kula heshiisay 75 milyan oo Pound oo hordhaca ah, si ay ugala wareegto weeraryahankan Belgium u dhashay.

Heshiiskan oo ay BBC-du ka warrantay Khamiistii ayaa la rumaysan yahay in Man United ay dib ka bixin doonto 15 milyan oo dheeraad ah, waa haddii Lukaku uu guulo u horseedo kooxdaasi.

Kooxda Macallin Jose Mourinho ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay heshiiska ay kula soo wareegayso.

Kooxda Chelsea ayaa lacag intaa dhan usoo bandhigtay Everton, haseyeeshee waxa ay diiday in ay qidmo ku filan siiso wakiilka Lukaku Mino Raiola.

Lukaku ayaa bishii July 2014 waxa uu Everton uga soo biiray Chelsea, waxaana xilligaasi iibiyay tababare Mourinho oo macallin u ahaa kooxdaasi ku dheesha Stamford Bridge.

Weeraryahankan ayaa 25 gool u dhaliyay Everton xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.