Dowladda Ciraaq oo u dabaaldagaysa guusha Mosul

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Ra'isal wasaaraha Ciraaq, Xaydar Al-Cabbaadi, ayaa tagey magaalada Mosul

Ra'isal wasaaraha Ciraaq, Xaydar Al-Cabbaadi, ayaa tagey magaalada Mosul waxaanu sheegay in magaalada laga xoreeyey kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Waxaa soo baxaya sawirada Ra'iisul Wasaare Cabadi oo u hambalyeynaya mid kamid ah taliyayasha ciidanka.

Waxaa la filayay in Mr Cabadi uu jeediyo khudbad u ku cadeynayo guusha la gaarray, balse taasi weli maysan dhicin.

Maanta oo idil waxa soo baxayey warar sheegayey dagaal ka socday qaybta qadiimka ah ee magaalada, halkaas oo mitidiintu isku urursadeen.

Soddon ka mid ah ayaa la sheegay in la dilay iyagoo doonaya in ay baxsadaan oo isku tuuray webiga Dejla. Qiiqa ka baxaya badhtamaha magaalada ayaa cirka isku shareeray, waxaana la maqlayaa rasaas googoos ah wadooyinkana waxa wadhan maydka dagaalyahannadda kooxda Daacish.

Lahaanshaha sawirka IRAQ PM OFFICE/TWITTER
Image caption Xaydar Al-Cabbaadi oo ka degay Mosul

Guusha uu ku dhawaaqay waxay ka dambeysay dagaal socday sagaal bilood oo ciidamada ay kulla jireen xoogaga kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.

Dagaalkii Mosul wuxuu dhaliyey burbur xoog leh, waxaa ku dhintay kumanaan qof waxaana ku barakacay ilaa dad gaaraya hal million oo qof.