Ma asturnaantay eersadeen gabdhaha Muslimiinta ah ee Australia?

Daraasaddu waxay baadhay 243 weerar oo Islaam nacayb ku salaysan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Daraasaddu waxay baadhay 243 weerar oo Islaam nacayb ku salaysan

Daraasad dhawaan laga sameeyey dalka Australia ayaa muujisay in haweenka xidhan khimaarku ay halis ugu jiraan in dadka Islaam nacaybku biyo dhigay weeraraan.

Haweenka weerarrada noocaas ah lagu qaaday waxa ka mid ah Xanaan Mixrib oo iyadoo lugaynaysa waddo buuq badan keligeed, oo Muusig dhegaysanaysa qof wajiga ka feedhay booliskuna waxay sheegeen in weerarkaasi ahaa mid ku salaysan Islaam nacayb.

Gabadhan ardayadda heer jaamacadeedka ah oo 19 jir ahi waxay rumaysantahay in sababta keliya ee loo waxyeeleeyey tahay khimaarka ay xidhnayd.

"Waxaan dareemay in aanan nabad galayn" ayay marwo Mixrib u sheegtay BBC-da waxaanay intaa ku dartay "aad baan uga cadhooday in waxaasi igu dhacaan anigoo dalkaygii jooga"

Daraasaddu waxay baadhay 243 dhacdo oo ah weerarro Islaam nacayb ah oo la diiwaan geliyey intii u dhaxaysay Sebtember 2014 iyo Diisember 2015.

Ku dhawaad saddex meelood weerarradaas waxa geystay rag, dadka waxyeelladu gaadhayna boqolkiiba 68 waxay ahaayeen dumar shantii dumar ah ba afar ka mid ahi xidhnaayeen khimaar.

Haweenkaa waxyeellada loo geystay in ka badan boqolkiiba 30 ayaa marka waxyeellada loo geystay ay caruuri la socdeen.

Maamulku waxay weerarrada Islaam nacaybka ku salaysan ku qeexeen in ay yidhiin dhacdo kasta oo "nacayb, waxyeello, cay ama faro saar ah oo loo geysto qof Muslim ah oo danihiisa ku foofsan"

Daraasaddan lagu baadhayey heerka Islaam nacaybku ka taaganyahay Australia waxa wada fuliyey dhawr jaamacadood, akaademiyada sayniska iyo cilmi baadhista Islaamka Australia iyo golaha daryeelka dadka kala duwan ee Australia.

Xijaab ku xirashada Mareykan uu 'Trump maamulo'

Yurub: Maxkamadda ugu sarraysa oo tidhi shirkaduhu way diidi karaan in shaqaalahoogu xijaab xidhaan