Agaasimaha Cusub ee FBI-da oo Congreska hortagaya

Agaasimaha Cusub ee FBI-da Christopher Wray Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Agaasimaha Cusub ee FBI-da Christopher Wray

Ninka madaxweyne Trump uu u magacaabay in uu noqdo agaasimaha cusub ee laanta dambi-baarista Mareykanka ee FBI Christopher Wray ayaa balan ku qaaday in uu ku shaqeyn doono cadaalada.

Isagoo ka jawaabayey su'aalo ay waydiineen xubno ka tirsan guddiga garsoorka ee aqalka Sanate-ka ayaa Mr Wray uu ku sheegay inaanay ka fakarin baaritaanka in Ruushku uu ku sameeyey farogalin doorashadii 2016-kii

Arinkaasi waxuu Madaxweyne Trump ku macneeyey inay tahay qof la daba-dhigto tii ugu sareysay taariikhda siyaasada.

Mr Wray waxaa uu sheegay inaanu ogolaan doonin in shaqada FBI-da ay qaban doonto wax ka baxsan cadeyn iyo sharciga.

Baaritaanka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa in Mr Wray u lahaan doono karti u kaga madaxbanaani karo Madaxweyne Trump.

Agaasimihii hore ee Hay'adda FBI-da, James Comey, ayaa shaqada looga eryay baaritaankii Ruushka awgeed.